so

Faahfaahin

CollegeBound Saint Paul waxay u tahay balanqaad qoysaska Saint Paul

Magaalada Saint Paul waxay u heellan tahay maalgelinta nolosha carruurta. Sababtaas awgeed ayey bulshadu uga wada shaqeyneysaa in la diyaariyo koontada keydinta oo ay ugu jirto $50 ilma kasta oo Saint Paul ku nool kuna dhashay 1-da Jannaayo, 2020 ama ka dib.

Barnaamijkan cusub oo loo yaqaan ‘CollegeBound Saint Paul’, waxa uu gacan ka geysan doonaa in la helo dariiq mustaqbal wanaagsan u noqda qoysaska iyo magaalada labadaba. Ujeeddada barnaamijka waa in qoysaska iyo carruurtooda lagu xiro ilaha waxbarashada hore iyo sidoo kale barashada dhaqaalaha iyo siyaabo ay ku noqon karaan kuwo caafimaad ahaan wanaagsan.

Carruurta iyo qoysasku waxay fursad u heli doonaan inay lacag xoogaa ah loogu daro koontadooda iyadoo la siinayo lacago hadyad ah. Waxay heli karaan lacag hadyada ah oo loo geliyo Kadinkooda Intarnetka marka ugu horreysa, gaarista hadba heer, ka qeybgalka barnaamijyada waxbarashada hore, iyo adeegsiga awoodaha maaliyadeed ee ay siiso Magaalada iyo ururrada bulshada ee iskaashiga naga dhaxeeyo.

Faahfaahin ka hel sida CollegeBound Saint Paul u caawin karto qoyskaaga, si aad uga hesho hadyado badan, iyo waxyaabo dheeraad ah… 

Su'aalaha Inta Badan La Is-weydiiyo

Sida uu u shaqeeyo Barnaamijka Koontada Keydinta Kuleejka

Koontada Keydinta Lacagta CollegeBound ama CSA waa koonto muddo dheer soconeysa si loogu caawiyo in lagu badbaadiyo mustaqbalka carruurta, gaar ahaan waxbarashada ka dambeysa dugsiga sare. Sida kuleej ama jaamacad afar sano ah, kuleej laba sano ah, iyo tababar shaqo ama xirfad farsamo.

KOONTO DIYAARSAN 
Koontada waxaa la furayaa marka ilmuhu dhasho ama bilaabo xannaannada kindergarten oo lacagta koowaad ayaa loo gelinayaa.

BADINTA KEYDKA 
Koontadu waxay ku badaneyso waa lacagta qoysku geliyo iyo lacagaha hadyadaha ah, sida keydka oo loo labanlaabo.

BILAABIDDA KULEEJ/TABABAR
Lacagta ayaa lagu bixinayaa waxbarasho kasta oo dugsiga sare ka dambeysa.

QALINJEBIN
Carruurta haysata koontada keydinta lacagta ee gaareysa $1 ilaa $500 oo ka soo jeeda qoysaska danyarta ama dhexdhexaadka ah waxay u badan tahay in ay qalinjebiyaan.

Maantaba ilmahaaga ku soo qor barnaamijka CollegeBound Saint Paul

Akhriso faahfaahin

Faa’iidooyinka Qoyska ee Koontada Keydinta Lacagta Kuleejka

Waxay kor u qaaddaa rajooyinka waalidka ee waxbarashada carruurtooda

Waxay kobcineysaa horumarka bulshada iyo shucuurta

Waxay wanaajineysaa maskaxda hooyada umusha ah

Source: Beverly, S., Clancy, M. & Sherraden, M. Universal Accounts at Birth: Results from SEED for Oklahoma Kids (St. Louis, MO: Center for Social Development, Washington University in St. Louis, 2016).

Sidee Bay CollegeBound Saint Paul u Xoojin Kartaa Bulshadaada?

Magaalada Saint Paul waxay si dhow ula shaqeysay dad aqoon u leh koontada keydinta lacagta kuleejka iyadoo sameysay guddi ay hoggaanka u hayaan 50-xubnood oo ka soo jeeda bulshooyinka oo dhan si ay u naqshadeeyaan CollegeBound Saint Paul intii lagu jiray sannadkii 2018. Waxa ay nala wadaageen aragti mustaqbal wanaagsan u ah Saint Paul. Mid waa dhaqaalaha oo la kobciyo iyo bulshooyinka kala duwan in ay wadaagaan mustaqbal wanaagsan. Akhri warbixinta ku saabsan sida ay CollegeBound Saint Paul gacan uga geysan karto gaarista aragtida mustaqbalka.

In ka badan 145 dadweyne ku nool  Saint Paul oo ka soo jeeda dhaqammo badan oo kala duwan ayaa naga caawiyey naqshadeynta barnaamijka. CollegeBound Saint Paul waxay ilmaha oo dhan ku caawin doontaa wixii ay ka soo bixi karaan iyadoo la siinayo fursado dhaqaale oo ku caawiya mustaqbalka.

Bulshadaada ku caawi in ay xoogeysato. Noqo qof CollegeBound Saint Paul kala shaqeeya dadweynaha.

Akhriso faahfaahin
Privacy Settings
We use cookies to enhance your experience while using our website. If you are using our Services via a browser you can restrict, block or remove cookies through your web browser settings. We also use content and scripts from third parties that may use tracking technologies. You can selectively provide your consent below to allow such third party embeds. For complete information about the cookies we use, data we collect and how we process them, please check our Privacy Policy
Youtube
Consent to display content from - Youtube
Vimeo
Consent to display content from - Vimeo
Google Maps
Consent to display content from - Google
Spotify
Consent to display content from - Spotify
Sound Cloud
Consent to display content from - Sound
CollegeBound Saint Paul